Ciidamada ammaanka Jowhar oo sheegay in ay Gacanta ku dhigeen Qaraxyo

Ciidamada ammaanka Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo la diyaariyay oo xalay lagu aasay mid ka mid ah Xaafadaha Magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay qaraxa ay qabteen uuu ahaa miinad dhulka lagu aaso, taasi oo sida ay sheegeen la dhigay qeybo ka mid ah Xaafada Horseed ee magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Dadka ku nool xaafadda Qaraxa lagu arkay ayaa isaga baxay xaafadaha, iyagoo ka cabsi qabay inuu sameeyo qaraxaasi oo lagu arkay xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

Ciidamada ammaanka ayaa wada qorshe ay doonayaan in lagu qarxiyo Qaraxaasi ay gacanta ku dhigeen, waxaana goobta loo diidayaa dadka shacabka ah ee ka ag-dhaw halka qaraxu yaallo.

Wali laamaha ammaanka Magaalada Jowhar kama aysan warbixin cidda la doonayay in lagu bartilmaameedsado Miinadaasi.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hshabeelle maalmihii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay falalka amini darro oo ay ka mid yihiin qaraxyada, waxaana laamaha ammaanku ay sheegeen in ay sameyndoonaan baaritaanno Culus o oak dhan ah falalka ammaanka lidka ku ah ee ka dhaca Magaalada Jowhar iyo degaanada ku dhaw.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor