Ceel-barde: Howl-wadeeno Caafimaad oo booqasho ku jooga Ceel-barde oo ka deyriyey Xaalada Nololeed ee dadka degmadaas

Howl-wadenada oo ahaa dhaqaatiir Caafimaad,isalamarkaana ku suganaa maalmahaan Ceel-barde ee gobolka Bakool ayaa sheegay in xaalado Caafimaad ay ka jiraan degmadaas,waxaana ay ka deyriyeen Nolosha dadka oo ay tilmaameen in xaalado cafimaad ay haysato.

Drs Caasho Cumar oo la hadashay Laanta Afka- Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka warantay xaalada ka jira degmadaasi,waxaana ay sheegtay in dadka degmadaasi saameen xoogan ay ku yeelatay Abaarta,islamarkaana cudurka shubanka uu ka dilaacay degmada Ceel-barde dad badana uu soo ritay.

Caasho ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed iyo dowlada dhexe in dadkaasi ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah, Si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira Abaarta iyo Xaalado Caafimaad oo ka taagan Ceel-barde.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media