CECAFA oo Soomaaliya ka saartay liiska Dalalka ka qeybgalaya Koobka dalalka B/iyo Bartamaha Africa

Xiriirka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA, ayaa soomaaliya ka saaray dalalka ka qeyb-galaya koobka qaramada bariga iyo bartamaha Africa ee sanadkan ka dhacaya dalka Kenya (december 3 ilaa 17).

CECAFA ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka jirto xaalad dagaal, sidaas darteedna looga saaray tartanka sanadkan.

Waxaa tartanka lagu casuumay dalaka Libya iyo Zembabwe oo aanan ka mid ahayn xiriirka CECAFA, waxaana labadaas dalba hadda aaney wax badan ka fiicneyn Soomaaliya dhanka xasilloonida siyaasadda.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo uun ku faani jiray inay ka qeyb-galaaan tartamada caaalamiga ah, inkastoo aysan guulo kasoo hoynin, ayaa hadda gabay kaalintaas ka qeyb-galka ku ekeyd.

Wali wax war lagama hayo xiriirka Soomaliyeed ee K/Cagta Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media