CC Shakuur “Safiirka Maraykanka waxaa uu jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa eedeyn kulul usoo jeediyay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo Madaxda dowladda ee Maanta ka qayb qaatay soo dhaweynta Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Cabdiraxmaan cabdi Shakuur ayaa kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxana maal mahan uu safar ku joogay degaanada Puntland.

“Muqdisho markii aan maanta ku soo noqday, waxaan soo degey iyadoo Madaxweyne Axmad Madoobe soo degey, Madaxweyne Deni uusan weli soo degin, Ciidankii NISA iyo koofiya castii midna ma joogin goobta, Waxaa isna garoonka joogay Safiirka Maraykanka oo jebiyey habraacii amni iyo kii COVID-19 ee laga doonayey, buuqa iyo isku dhex yaaca meesha yaalay dartii. Way muuqataa in safiirku uu dammaanad qaade yahay, ilaalada iyo amniga garoonkana horay looga gorgortamay. Aniga ruuxayga ciidan gawaari gaashaaman wata oo gurmad ah ayaa i soo galbiyey, markii aan waydiiyeyna, waxay ii sheegeen masuuliyiintii amniga ii qaabilsanayd in ay shakiyeen” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame.

Safiirka maraykanka ayaa muqdisho kulamo gar gaar ah kula yeeshay madaxda maanta Muqdisho kasoo degtay, waxana xusid mudan in labada mas’uul loo saoodhaweeyay si weyn, waxaana madaxda dowladda ee Soodhweeyay ka mid ah wasiiro. Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media