CC Shakuur “Farmaajo weli in uu xoog dalka ku qabsan karo ayuu aaminsan yahay”

Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Madaxweyaha dowladda ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku Eedeyay in uusan dooneyn nabad iyo in la qabto doorasho loo dhan yahay.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu weli aaminsan yahay inuu xoog dalka ku qabsan karo, isagoona ku eedeeyay Mas’uuliyada Ciidankii shalay dowladda Federaalka geeysay Gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa uu sheega C/raxmaan in Farmaajo uu Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda ku amray in uu Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde laga qaado ciidankii Booliska ee kastamka, isla markaana uu ku wareejiyo Haramcad Saadaq John hogaaminayo.

“Maxamad Farmaajo weli in uu xoog dalka ku qabsan karo ayuu aaminsan yahay, sababtoo ah shalay ciidan ayuu Gedo oo abaar iyo biyo la’aan ka taagan ka dejiyey” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur.

Sidoo kale waxaa uu intaas kusii daray Qoraalkiisa Siyaasiga “Taliyaha Booliskana wuxuu ku amray in uu Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade ciidankii Booliska ee kastamka ka qaado oo uu Haramcad Saadaq John hogaaminayo ku wareejiyo. Ma ninkaas ayaa nabad iyo doorasho doonaya?”.

Warka C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo shalay dowladda Federaalka ay Ciidamo cusub ka dejisay degmada Doolow ee Gobolka Gedo, sidoo kalena Taliyaha Booliska uu Saldhiga Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu hoos  geeyay Taliska guud ee qeybta Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor