Dowladda Fadaralka Soomaaliya ayaa soo kordhisay cashuur cusub, taas oo lagu soo rogay iibka badeecadaha ganacsiga taas oo dawlada ku sheegtay in ay noqon doonto boqolkiiba 5% lacagta ka go’i doonta. Dhanka kale shirkadaha isgaarsiinta ayaa macaamiishooda fariimo u diray taas oo ugu sheegayaaan in hantidooda gacan aamin ah ay ugu jirto oo aan wax cashuur ah laga qaadaynay lacagaha ay ka dhex diraan telefoonka, maadaama si dijitaal ah lagaga qaadayo.
Ganacsatada iyo shacabka ku nool magaaladda Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey, haddaba waa sidee aragtida bulshadu?
Abdiwaahid warsame oo ka mid ah, bulshada ku nool magaaladda Muqdisho ayaa isaga oo Bilan hadlaya u sheegay;
“cashuurta la kordhiye waxa aan u arkaa nin baahan la yiri wax bixi. Iskoolku waa lacag , biyihu waa lacag, korantadu iyo ijaarka/kiradu sidoo kale, iyo adeeg kasta oo aan u baahnahay ka bulsho ahaan. Hadda cashuurta cusub waxa aan u arkaa mid qalad ah, oo wax kasta oo aad soo gadato ayaa lacag laga goynayaa. Madaxweyne cashuurta ma bixin karo ee haddii aad na leedahay guriga isku soo xidha oo isaga jira noo sheeg.”
Dhanka kale Mohamed Abuukar, oo ka mid ah dhallinyarada ku shaqaysta bajaajta ayaa dhahay;
“Soomaaliya maada ay dawladdaha adduunka ay ku dayaneyso ee dadkooda ka qaada cashuurta, bulshada waxbay u qabtaan. Waxa ay helaan, waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo adeegyo kale oo bila lacag ah. Haddii aan cashuurtan bixino beddelkeeda ma helayna oo dawladdu adeegyo ma noogu qabanaysaa?”
Yahye Ali oo kamid ah shacabka arrigtidooda ka dhiibtay cahsuurta iyo sida uu u arko ayaa isna sidan yiri;
“lacagta waxa lagu soo rogay waa ganacsatada iyaguna waxa ay sii dulsarayaana waa shacabka sababtoo ah, ganacasaduhu isagu wax iskama gato ee wuxuu wax ka gadaa bulshada lacagta la qaadayaana waa santiyo oo ma badna, wax laga cawdana uma arko annu. Bulshadu ha ka cabato marka cashuurta wax lagu qaban waayo sida in iskoolo la dhisi waayo, isbitaalo iyo jidad.”
Cashuur kordhintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo muddooyinkii ugu danbeeyey shacabku ku nool magaaladda Muqdisho ka cabanayeen dhaqaalo yari aad u baahsan.
Shukri Mohamed Abdi, wariye, Bilan Media