Caruur waxyeello kasoo gaartay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen

Caruur yar-yar ayaa waxyeelo kala duwan kasoo gaartay waxyaabo qarxa oo ay ku cayaarayeen, xili ay ku sugnaayeen deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Caruurta markii hore ay arkeen walxaha, kadibna ay garaaceen waxyaabihii arkeen oo yaallay wadada, sidaasina uu ku qarxay, waxaana ka dhashay Khasaaro gaaray Caruurta.

Inta la xaqiijiyay 4 Caruur ah ayaa ku dhaawacmay walxaha qarxa ay ku cayaarayeen, isla markaana waxaa dhaawacyadooda si Deg-deg ah lagu gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Gaalkacyo.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa marar horay sidaan oo kale uga dhacday dhacdooyin noocaan oo kale, iyadoona Caruur ku ciyaareeysay walxo qarxa ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media