Wararka Radio Dalsan u ka helayo deegaanka Mareer oo 35km u jira degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ku geeriyoodeen Saddex Carruur ah oo laba ka mid ah ay Walaalo ahaayeen.
Carruurtaas ayaa waxa ay ku dhaceen barkad ay biya ka buuxaan,waxaana xilligaasi goobta ay aheyd mid aan cidna joogin taas oo sababtay in aysan helin wax gurmad ah.
Labada Qof ee dhintay ayaa ah Wiilal sida ay sheegayaan dadka deegaanka Mareer ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxaana sidoo kale xaaladeeda Caafimaad alaga Dayrinayaa Gabar laga soo bad baadiyey Berkedii ay ku dhaceen Caruurtaasi oo la socotay.
Dad ku sugan Gudaha deegaanka Mareer ayaa tagay goobta Barkada ay ku taallo ee Caruurtu ay ku dhacday,waxan ay soo saareen medka labada Carruurta ahaa iyo Gabar xaaladeeda Caafimaad lag deyrinayo oo la socotay.
Maamulka degmada Jariban ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ehelada Carruurta geeriyootay iyo Gabadha xaaladeed Caafimaad laga deyrinaayo lagu wareejiyay Eheladooda.