Wararka aan ka halayn Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in afar carruur ah  oo isku qays ah ay Miino kula qaraxday degaanka Bangeelle oo Hoostaga degmada Caabud-waaq ee Gobolkaasi.
Carruurta ayaa la sheegay  in ay ku cayaarayeen Miinada, iyagoo garaacay kadibna ay sidaa ku qaraxday.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen Jugta Qaraxa miinada ah ee Carruurta ku qarxay.
Hubka haraadiga ah ayaa ku badan Gobolada Dalka, waxaana tiro dhowr jeer ah sidaan oo kale ay Miinooyin ugu qarxeen carruur reer Guuraa ah, sidoo kale mararka qaar waxaa miinooyinka dhulka ku aasan ay ku qarxaan Xoolaha,