Carruur iyo Haween ku sumoobay Caano ay cabeen Gobolka Sanaag

Dadkaan Caanaha ku sumoobay oo gaaraya ilaa 45 Ruux oo isugu jira Caruur iyo Haween ayaa waxa ay ku nool yihiin deegaanka Ceel-Daahir ee Gobolka Sanaag .

Dhaqaatiirka Isbitaalka degmada Carmo ee dadkaasi la geeyay ayaa waxa ay sheegeen in xaaladooda kuwo ay daran tahay kuwana ay wanaagsan tahay,isla markaana xaaladooda lala tacaalayo.

Faadumo C/llaahi Cadde oo ah maamulaha Isbitaalka degmada Carmo ayaa sheegtay in dadkaasi ay yihiin kuwo kala daran,isla markaana Carruurta mid ka mid ah ay xaaladiisa ay aad u daran tahay.

Sababaha Caanaha Sunta u keenay ayaa lagu sheegay in ay tahay Caagadaha dadku ay Caanaha ku shubtaan oo aan si wanaagsan aan loo nadiifin.

Majirto cid ku dhimatay dhacdadan ,waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka degmada Carmo ay sheegeen in dhacdadaan ay tahay midi ugu horeysay ay arkaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor