Caro ka dhalatay wiil Falastiini ah oo ay toogteen booliska Israa’iil

Boqollaal qof ayaa ka soo qaybgalay aaska nin Falastiiniya oo xaalada Austismka qabay oo ay toogteen booliska Israa’iil xilli uu u socday goob uu ka helo waxbarasho gaar ah.

Iyad Halaq, 32 jira ayaa sabtidii lagu dilay daanta bari ee qudus ee ay Israa’iil haysato isagoo ku socday iskuul dadka baahiyaha gaarka ahi ay tagaan

Booliska Israa’iil ayaa sheegay inay ka shakiyeen in Halaq uu hub sitay isla markaana uu diiday amarkii la siiyey ee ahaa inuu istaago, kadibna la ogaaday inaanu hubaysnayn.

Wasiiraka gaashaandhiga ee Israel Benny Gantz ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay dilkani.

“Waanu ka xunnahay shilkaasi lagu toogtay Iyad Halaq, waxaanu la wadaagaynaa muragada qoyskiisa, waxaan hubaa in degdeg loo baadhi doono go’aamana laga soo saari doono ” sidaasi ayuu u sheegay golaha wasiirrada Israa’iil Axadii.

Toddobaadyadan xaalada ayaa kacsanyeed kadib markii Raiisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu sheegay inuu fulin doono go’aankiisa ah iney Israa’iil ku darsato qaybo kamida dhulka daanta galbeed ee Falastiin oo ay haysato.

Maamulka Falstiniiyiinta ayaa kaga jawaabay inaany u hogaansami doonin heshiisyadii ay Israa’iil iyo Mareykanka kula jireen . Maryakanka ayaa taagersan in Israa’iil haysto qayb kamida daanta galbeed oo ay ku jiraan kuwa xaga aminga khuseeya

Iyad Halaq ayaa malin walba waxaa uu ku lugeyn jiray inta u dhexeysa gurigooda oo ku yaalla degaanka Wadi al-joz xaafda qadiimka ah ee Elwyn El Quds halkaas oo ay ku taalo xaruun adeegyo gaar ah ay ka helaan c

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media