Canada oo dalkeeda kasoo masaafurineysa Boqolaal dhallinyaro Soomaali ah + sababta

Dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso ayaa VOA-da uga warramay xaaladda ay ku sugan yihiin, kadib markii qaarkood sida la sheegay loo soo diray warqadihii lagu musaafurin lahaa.

Lama oga tirada rasmiga ah dhallinyarada Soomaalida ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada ayaa waxaa ay sheegtay in dhallinyaradan ay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Saraakiisha dowladda ayaa waxay ku doodayaan in hadda un ay baaritaan kusoo ogaadeen in dhallinyaradan aysan Soomaali aheyn oo ay ka been sheegeen kiisaskii ay isku dhiibeen markii ay magangelyo waydiisanayeen Canada.

Waxaa socda, dadaallo ay wadaan jaaliyadda Soomaalida qaarkood, kuwaasoo wali aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorshaha ay dib ugu celineyso dhalinyaradaan Soomaalida ah ee dalkeeda ku galay Baasaboorka wadamada deriska la ah Soomaaliya, iyada oo ku doodeysa in qorshaha soo gelistooda uu markii hore qaldamay sidaas darteedna ay masaafurinayso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor