Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Gudiyada Hirgalinta doorashooyinka Federaal Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.
Madaxweynaha ayaa kulanka warbixin la xiriirta Arrimaha Doorashooyinka uga dhageystay gudiyadaan gaar ahaan Doorashada Aqalka sare, isagoo balan qaaday in Hirshabeelle ay ka dhici doonto doorasho hufan oo si dhab ah loogu tartamo.
“Waxaan maanta kulan kula qaatay xafiiskayga Wafdi ka socday Gudiyada Hirgalinta doorashooyinka Federaal Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka. Waxaan ka dhageystay warbixin la xiriirta Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan Doorashada Aqalka sare, anigoo u balan qaaday in Hirshabeelle ay ka dhici doonto doorasho hufan oo si dhab ah loogu tartamo” ayuu Cali Guudlaawe ku yiri Qoraal uu soo saaray.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dambeyn gudiga Heer Federal iyo Kan Dowladda Hirshabeelle ku booriyay dadejinta Arrimaha hortabinta leh ee Doorashooyinka iyo in si cadaalad ah loogu adeego musharixiinta.