Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Sheikh Shariif

Madaxweynaha Hir-sahbeelle ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd Shariif Shiikh Axmed, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo la xariira arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Gudlaawe Xuseen  ayaa galabta hoygiisa ku booqday Sharif Sheikh Axmed, waxaana labada mas’uul ay si gaar ah uga hadleen xaaladaha maamulka Hirshabeelle iyo arrimaha doorashooyinka dalka ee dhawaan dalka dhici doona.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhawaanahaan waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeelanayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madaxda mucaaradka ah.

Comments
Loading...