Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay Magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshaveelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimada Hirshabeelle.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Maxamed Dheere kusoo dhoweeyay Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan, Wasiiro Xildhibaano, Maamulka Gobolka, kan Degmada Jowhar iyo Saraakiisha Ciidamada Amniga.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho uga qeybgalay Shirkii 6aad ee Golaha Wadatashiga Qaran oo looga heshiiyay dardargalinta wajiga labaad ee lagu ciribtirayo khawaarijta alshabaab iyo hanaanka doorashooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor