Cali Caraale “Ciidamo hubeysan ayaa isoo weeraray”

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Cali Muxumed Caraale oo Maanta warbaahinta kula hadlay Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamo hubeysan ay weerar kusoo qaadeen isaga.

Waxaa uu sheegay Cali Caraale in Ciidanka soo weeraray ay ka amar qaatan Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ee dhawaan xilka qaadista ku sameeyay.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu tilmaamay in wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintaas uu Mas’uul ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waa sida uu hadlka u dhigay.

Ugu dambeyn Cali Muxumed Caraale ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay sida uga dhaqsiyaha badan usoo farageliyo xiisada siyaasadeed ee ka jirta Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, isla markaana ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay.

Maanta ayay aheyd markii Israsaaseyn kooban gudaha Magaalada Baladweyne ku dhexmartay Ciidamo kala taabacsan Cali Caraale iyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media