Caleema-saarka MW Xasan Sheekh oo Maanta dhacaya iyo Madax ka qeyb galeysa

Waxaa Maanta Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan Xarunta teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha ka dhaceysa Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Madax farabadan oo ka kala socota dalalka Afrika iyo kuwa Caalamka qaarkood, Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasi oo la casuumay.

Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabadda ayaa waxaa ku jira Madaxweyneyaasha dalalka Kenya iyopJabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan iyo xubno ka socda dalalka Qatar, Sacuudiga, Yemen, Cumaan iyo Madax kale oo badan.

Madasha Xaflada Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga jeedin doonaa khudbado looga hadlayo doorashooyinkii dhacay, iyadoona dadka khudbadaha jeedinaya ay ku jiraan Madaxweyneyaashii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.

Ammaanka guud ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Maanta oo khamiis ah siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa gebi ahaan la xiray waddooyinka Magaalada, sidoo kalena la joojiyey isku socodka dadka, waxaana sidaasi ku dhaqan galay bandow la saaray Magaalada oo soconaya illaa galabta 05:00 Galabnimo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor