Cabduweli Muudeey oo Xildhibaannada u qeybiyey Nuqul ka mid ah Dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday

Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta ayaa ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad waxa uu xildhibaannada Golaha Shacabka uu u qeybiyey Dastuurkii uu dhawaan sheegay in la xaday.

Nuqul ka mid ah Dastuurka oo Xildhibaannada Maanta loo qeybiyey ayaa ka mid ahaa Dastuurkii ay Sanadkii 2012 ay ergadii Soomaaliyeed ay ansixiyeen.

Qodobo ka mid ah Nuqulka Maanta Xildhibaannada loo qeybiyey ayaa waxa ku jiray qodobo layaab leh sida in Waqtiga Xilheynta Madaxweynaha uu yahay 5-Sano laga bilaabo Maalinta la doorto  laakin hadda lagu dhaqmo Dastuurka KMG ah.

Qodobada kale ee Dasturka ku jira lagana yaabo in ay dood ka dhalato ayaa waxaa ka mid ah in Madaxweynaha uu kala diri karo Baarlamaanka hadii ay timaado arrin xasaasi ah oo saameyn ku leh Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada qaar ayaa naqdiyey ama dood ka keenay Nuqulka ka mid ah Dastuurka ee Maanta Xildhibaannada uu u qeybiyey ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Hoos Ka Akhriso Nuqulka ka mid ah Dastuurka Maanta xildhibaannada loo qeybiyey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media