• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, June 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag ugu jawaabay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
August 10, 2024
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag ugu jawaabay Xasan Sheekh Maxamuud.
35
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga jawaabay khudbaddii uu Jimcihii jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaanka ayaa raaligelin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu ku jees jeesay iyaga iyo xaaladda dalka. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku guuldareystay fulinta ballanqaadyadii uu u sameeyay shacabka, gaar ahaan dhalinyarada.
Qoraalkan ayuu ku qoray bogiisa Facebook:-
Madaxweynaha haddii uu dood qabo ama uu ka jawabaayo mid loo qabo waa in uu yimaado goob uu siyaasigu kula doodi karo, dhalinyaradu su’aalo ku waydiin karaan ee ma aha in uu maalin walba Masaajidka kaligii ka soo garnaqsado. Siyaasadu waa dood, su’aalo, dabagal iyo jawaab celin, Masjidkuna waa goob cibaado oo wanaaga la iska faro, xumaanta la iskaga reebo, midnimada iyo wadajirka ummada laga dhiirageliyo.
Tan kale, waxay ahayd Madaxweynuhu in uu ka haldo xasuuqii xeebta Liido, masuuliyaddii la gabay iyo go’aannadii laga qaatay iyo kaalinta bulshada kaga aadan.
Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta. Waxaad xaq ugu leedihiin Madaxweynaha in uu runta idinkaga sheego si tawaaduc leh sababaha keenay shiidka iyo shaqo la’aanta ba’an ee dalka ka jirta, waxa uu ka qabanayo, isagoo idiin bidhaaminaya hiigsi iyo yididiiladii looga baxo.
Ma ahayn in uu dafiro in aad intiina badan shaqo la’aan tihiin, waxay ahayd in uu wax ka qabto fursadaha shaqo ee tirada yar ee Dowladdu bixiso ee lagu helayo garab eexeedka iyo musuqa. Waxay ahayd in uusan isdiidsiinin hoos u dhac ku yimid ganacsigii dalka, gaar ahaan dhulka, ka dib markii ay madaxda xukuumada qiimo jaban ku xaraashayso dhulkii dawlada, in uusan inkirin in canshuurta xaddhaaf ah iyo adeega khidmo ee la isku naasnuujinayo ay irdaha u xireen ganacsigii yaryaraa, karti la’aan, musuqa iyo dhacdhac ka raadintana ay hakadeen mashaariicdii ka imaanaysay deeqbixiyayaasha caalamiga ah, lacagihii laga dhacay dawladana lagu maalgashaday dalka dibadiisa.
Rasumaalka ugu muhiimsan ee uu hoggaamiye heli karo waa in shacabkiisu aamino, dalna hadal iyo muran laguma hoggaamiyo, ee ficil iyo habdhaqan ayaa tusaale loogu noqdaa.
Sida muuqata, Madaxweynaha waaqaca xiriir lama laha, isaga iyo bulshaduna way kala bariyeen, dadka ka agdhow ee ay ahayd in ay runta u sheegaana, malaha way kula dhici waayeen, ama dantooday ka muraadsadeen.
Previous Post

Iran and Somalia Mend Ties Amid Strategic Realignment in Africa

Next Post

Iran and Somalia Mend Ties Amid Strategic Realignment in Africa

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo
Warar

Guddoomiyaha Mudug oo Beeniyay Wararka Ku Saabsan Afduub Dad Koofur Galbeed ah Loogu Geystay Gaalkacyo

June 11, 2025
Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Shil Gaari oo Khasaaro Geystay oo Ka Dhacay Muqdisho

June 11, 2025
Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah
Warar

Mareykanka oo Dhaliilay Cunaqabataynta Dalal Reer Galbeedku Saareen Wasiirro Israa’iili ah

June 11, 2025
Next Post
Iran and Somalia Mend Ties Amid Strategic Realignment in Africa

Iran and Somalia Mend Ties Amid Strategic Realignment in Africa

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, today paid an official visit to the...

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Changsha, China—At the margins of the Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) ministerial meeting held in Changsha, Hunan Province, China, Somalia...

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

by Gesey Liban
June 12, 2025
0

Mogadishu, Somalia — In a bold diplomatic move, the Federal Government of Somalia has formally demanded the dismantling of the...

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

by Ilhaan
June 12, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen...

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey
English News

Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
English News

Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group
English News

Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf to Step Down Early from International Court of Justice After Historic Tenure
English News

Somali Judge Abdulqawi Ahmed Yusuf to Step Down Early from International Court of Justice After Historic Tenure

June 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Waters of Wealth: President Hassan Sheikh Visits Oruc Reis as Somalia Completes Historic Oil Survey
  • Somalia Deepens Strategic Ties with Rwanda and Sudan in High-Level Diplomatic Talks in China
  • Somalia to International Partners: “We Are Not a Transitional State” — Federal Government Calls for Dissolution of C6+ Group
  • 13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00