Cabdi Faarax Siciid Juxa oo Garoowe kaga dhawaaqaya inuu yahay Musharax Madaxweyne Puntland 2019

Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland waxaa ka socota munaasabad uu kaga dhawaaqayo in uu yahay musharax Madaxweynaha Puntland Wasiirkii hore e Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa.

Goobta Munaasabada ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin, dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Garoowe,waxana la filayaa in uu ku dhawaaqo uu u sharaxan yahay Madaxweynaha Puntland doorashada la filayo in ay dhacdo Sanada 2019-ka.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa mar waxa uu sidoo kale soo noqday wasiirka waxbarashada Puntland xilligii uu Puntland Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.

Marka laga soo tago musharaxnimada Madaxweynaha Puntland ee Wasiirkii hore e Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa waxaa jira tiro kale oo musharaxnimadooda ku dhawaaqay iyo kuwo kale oo bilaha nasoo aadan ay ku dhawaaqi doonaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor