Yuhuudda oo dalal ku yaalla Europe la wadaagi doonta Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan

Ra’isul-wasaare Benjamiin Netayaahu ayaa sheegay inuu la hadlay Hoggaamiyayaasha dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, si ay ula wadaagaan Xogta dhinaca Sirdoonka ee ay ka hayaan Nukliyeerka Iiraan.

Qoraal la soo dhigay Twitter-ka Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda ayaa lagu shegay in Kooxo Takhasus leh loo diri doono Jarmalka iyo Faransiiska, si ay ugu gudbiyaan  Xogta Yuhuudda ka heshay dadaalka Iiraan ku doonayso inay ku samaystaan Hubka Nukliyeerka.

Dhinaca kale, Binjamiin Netayahu waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin oo uu ugu gudbiyey Dukumentiga ay Sirdoonka Yuhuudda ka hayaan Nukliyeerka Iiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media