Mudane Keith Elison oo ah Xildhibaankii ugu horreeyey ee Muslimka ah ee ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee dalkaasi ayaa hadalkaasi sheegay mar uu shalay buuxinayey Codsiga uu ugu tartami doono inuu ku noqdo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobalka Minnesota.
Waxa uu tilmaamay inuu doonayo inuu qeyb ka noqdo Dagaalka sharciga ee ka dhanka ah Madaxweyne Donald Trump oo Muslimiinta ku nool dalal Islaam ah ka manuucay inay soo galaan Maraykanka.
Mudane Keith Elison oo 6-xilli soo ahaa Xildhibaan ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku guuleysto Xilka Xeer-ilaaliyaaha Guud ee Minnesota, si uu dagaalka dhinaca Sharciga la tiigsado Madaxweyne Trump.
Dhinaca kale, Dhowr Mudane oo ka mid ah Xisbiga Dimuqradaiga ee Gobalka Minnesota oo ay ka mid tahay Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ee ka so ojeeda Somalia ayaa ku soo biiray Tartanka loogu jiro Kursiga Kongareeska Maraykanka ee Mudane Keith Elison.