Xaaska Madaxweyne Donald Trump oo ka hor timid Aragtidiisa Siyaasadeed

Melania Trump oo ah Marwadda 1-aad ee Maraykanka waxay sheegtay inay karaahsatay inay aragto carruur ay Qoysaskooda ku kala qeybsameen xuduudka Maraykanka.

1,995 carruur ah ayaa ku xayiran xuduudka, kuwaasi oo ay kala go’doomeen 1,840 dad waa weyn, kuwaasi oo 6-dii isbuuc ee la soo dhaafay ku xayirnaa Xuduudka.

Madaxweyne Donald Trump amar ku bixiyey in la adkeeyo Muhaajiriinta sida sharci-darradda kaga soo gudba Xuduudka Meksiko.

Siyaasiyiinta iyo Kooxaha u dodoa Xuquuqda Aadanaha waxay ka hor yimaadeen Tallabadaasi, kuna tilmaameen mid xad-gudub u ah Sharuucda Socdaalka ee Caalamka.

Xaaska Madaxweyne Trump oo aan muddo bil ah ka soo muuqanin Fagaarayaasha waxay ka hortimid Aragtidiisa, waxayna sheegay inay dhibaato tahay in la daawado carruurta iyo waalidka la kala qoqobay.

Afhayeenadeeda oo lagu magacaabo , Stephanie Grisham waxay sheegtay inay Melania Trump dhibsatay  inay aragto carruurta oo laga reebay Qoysaskooda

Waxay sheegtay inuu Maraykanka noqonayo dal laga xukumo Wadnaha, waxayna ku talisay in loo baahan yahay inay labada dhinac inay si wadajir ah uga wada hadlaan sidii loogu guuleysan lahaa Isbedel lagu sameeyo Sharciga Socdaalka.

Sabtidii la soo dhaafay, Donald Trump waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay in Qoysaska ku kala xayiran xuduudka in lagu xalin karo inuu Xisbiga Dimuqraadiga kala shaqeeyo Xisbiga Jamhuuriga samaynta Sharciga Cusub.

Madaxweyne Trump waxa la filayaa inuu Saxaiibadiisa Xisbiga Jamhuuriga la kulmo maalinta Talaadada ee soo socota si ay uga wada xaajoodaan arrintaasi, iyadoo Madaxweynaha la filayo inuu saxiixo Sharcigaasi, sida laga so oxigtay Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda ay Xaaska Trump kaga hor timid go’aankiisa ayaa u muuqda mid geesinimo, maadaama ay codkeeda ku taageertay kuwa mucaaradsan Siyaasadda Maamulka Trump ee Siyaasadda Carruurta iyo Qoysaskooda lagu kala qeybinayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media