Waqooyiga Kuuriya oo ku fashilmay Tijaabinta Gantaalo Balastik ah

Afhayeenka Taliska Milliteriga Maraykanka jooga Badweynta Pacific ayaa sheegay inay Waqooyiga Kuurya ku fashilantay 3 Gantaal oo ay tijaabisay, kuwaasi oo ahaa nooca Ridada Gaaban.

Waxa uu intaasi ku daray in 2 ka mid ah Gantaaladaasi ku burbureen goobo aan la sheegin, halka midka kalena uu hawada ku qarxay 30 daqiiqo isla markii la ganay.

Afhayeenka waxa uu xusay inaysan Gantaaladaasi midna khatar ku hayan Waqooyiga Maraykanka iyo Jesiiradda Guwam.

Dhinaca kale, Taliska Ciiddanka Koonfurta Kuurya ayaa xaqiijiyey in Gantaaladaasi laga soo ganay Xeebta Waqooyi ee dalkaasi, waxayna Gantaalladda ahaayeen kuwo ridadooda ay gaari karto ku-dhawaad 250-KM.

Tijaabadan ugu dambaysay ayaa timid, xilli ay Ciiddamadda Maraykanka iyo kuwa Koonfurta Kuurya carbis wadajir ah ku samaynayaan Xeebaha dalkaasi, iyadoo Dowladda Waqooyiga Korea cambaaraysay Dhoolatuskaasi.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media