Ugu yaraan 7 qof oo ku geeriyootay dhismo ku soo dumay Galbeedka dalka Hindiya

Hadal ka soo baxay Boliska dalkaasi ayaa lagu sheegay inay dadkaasi ku geeriyoodeen Dhismo ka koobay 4-dabaq oo ku yaalla magaalladda Mumbai oo ah Caasimadda Maaliyadda ee dalkaasi.

Kooxaha Gurmadka ayaa weli ku hawlan inay dad nool ka baadi-goobaan Burburkaasi, iyadoo la sheegay inay 40-qof ku hoos jiraan burburkaasi.

Afhayeenka Kooxda ka-hortaga Masiibooyinka ee magaalladda Mumbai, Tanaji Kambl waxa uu u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP news agency inay 13 qof ku dhaawacmeen Burburkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kooxaha Gurmadka heleen maydadka 7 qof oo ka mid ahaa dadkii ku noolaa dhismahaasi

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media