Turkiga iyo Bangaladesh oo kala hadli doona Tacadiga lagu hayo Muslimiinta ROHINGYA

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga, Mevluut Kafusoglu ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacadda ee soo socata booqasho ku tago Caasimadda dalka Bangaladesh ee Dhaka, si uu Madaxda dalkaasi kala soo hadlo dagaalka ka dhanka  ah Muslimiinta ROHINGYA ee ka socda W/galbeed ee dalka Myanmar.

Ugu yaraan 400 oo ka mid ah Muslimiintaasi ayaa la dilay, halka ku-dhawaad145,000 kalena u soo baxsadeen dalka Bangaladesh.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan waxa uu dilka lagu hayo Muslimiintaasi ku tilmaamay inuu la mid yahay Xasuuq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media