Tobanaan qof oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday dalka Syria.

Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Syria ayaa la sheegay inay duqeyn ka geysteen Tuullooyin ka tirsan Gobalka Idlib ee W/Galbeed ee dalkaasi, halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 16 qof, oo ay ku jirtay gabar yar.

Duqeyntaasi oo la sheegay inay socotay 2 saacadood ayaa waxaa lagu burburiyey Dhismooyin ku yaalla Tuullooyinka BINNISH, RAAM XAMDAAN iyo TAFTANAZ.

Tuullooyinka la weeraray ayaa la sheegay inay u dhow yihiin Degmooyinka FOUWA iyo KEFRAAYA oo ay Milliteriga Dowladda Syria gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale, Jimcihii la soo dhafaay, Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya waxay duqeyn ka geysteen Tuullo ka tirsan Gobalka Idlib, halkaasi oo la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 44 qof

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media