Taariikhda dhul-gariiradda ugu dhimashadad badnaa ee ka dhacay dalka Mexico

Warbaahinta Sacuudiga ayaa sheegay inay Dowladaha Sacuudiga iyo Britain shalay kala saxiixdeen Jadwalka Shaqo ee Iskaashiga Milliteri ee labada dhinac.

Heshiikaasi waxaa shalay magaalladda Jeddah ku kala saxiixday Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan iyo dhigiisa dalka Britain, Michael Falcon

Wakaalladda Wararka u faafisa Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay labada dhinac ka wada xaajoodeen Iskaashiga dhinaca Milliteriga iyo inay xiriir wadajir ah ka yeeshaan arrimaha Difaaca iyo La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Waa Heshiiskii 2-aad ee uu Xoghayaha Difaaca ee Britain ee uu maalmihii la soo dhaafay la saxiixdo dal ku yaalla Gacanka Carbeed.

Michael  Falcon waxa uu 2 maalmood ka hor heshiis la saxiixday Dowladda Qatar, si ay Britain kaga iibsadaan  24 Diyaaradaha Dagaalka ee Typhon ee lagu farsameeyo UK.

Waa markii labaad ee ay Dowladda Qatar saxiixdo Heshiis ay ku iibsanayso Diyaaradaha Dagaalka tan iyo markii uu soo shaac baxay Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Dowladda Qadar kala dhexeeyo Dowladaha  Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar.

Bilowgii bishii June ee sannadkan ayey Saddexdaasi Dowladood waxay Xiriirkii Ganacsi iyo Diplomaasi u jareen Dowladda Qatar oo ay ku eedeyeen inay taageero siiyaan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Balse, Dowladda Qatar wey beenisay arrintaasi, waxayna dhowr jeer ku baaqday in Wada-xaajood Diplomaasiyadeed lagu dhameeyo Xiisadaasi.

3-40-million oo qof oo dhibane u ah Is-addoonsiga Casriyeysan ee ka jira Caalamka.

Cilmi-baaris ay si wadajir ah u sameeyeen Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) iyo Hay’adda “The Walk Free” ayaa lagu xusay in 40 million oo qof oo ku nool Caalamka sannadkii hore Dhibanayaal u noqdeen Is-addoonsiga casriyeysan.

Dhibanayaashaasi aya la sheegay inay badankooda yihiin Haween iyo Gabdho loo geystay dhibaatooyin baahsan, laguna shaqeysan jirey.

Warbixinta Cusub ayaa lagu sheegay in ku-dhawaad 25 million oo qof ahaayeen kuwo xoog loogu shaqeystay, halka 15 million oo kalena  lagu khasbay Guur aysan raalli ka ahayn sannadkii hore.

Ku-dhawaad 29 million oo qof ama 71% yihiin gabdho iyo haween la kulmay Is-addoonsi casriyeysan ee guud ahaan Dalalka Caalamka.

Tiro-koobka Warbixinta Cusub waxaa shalay lagu baahiyey Shirweynaha 72-aad ee Golaha Guud ee QM ee ka furmay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York.

Daraasaadda waxaa kaloo lagu ogaaday in ku-dhawaad 152 million oo carruur da’doodu u dhexeyso 5 ilaa 17 jir noqdeen carruur lagu shaqeysto isla sannadkii hore.

Warbixinta waxay kaloo tilmaamtay in mid ka mid ah Afartii Dhibane ahaayeen carrur si khasab ah loogu shaqeystay.

Warbixinta oo ah mid laga argagaxo ayaa lagu sheegay in Haweenkii lagu shaqeystay 99% loo adeegsaday in Jaga ganacsado Jirkooda, halka 84% lagu khasbay Guur aysan raalli ka ahayn.

4-Taariikhda dhul-gariiradda ugu dhimashadad badnaa ee ka dhacay dalka Me4xico.

Sida aynu la socono, dalka Mexico waxaa xalay ka dhacay dhul-gariir ay ku geeriyoodeen in ku dhow 150-qof, waana dhul-gariirkii 2-aad ee bishan ka dhaca dalkaasi.

Bilowgii bishan 7-dii, ugu yaraan 98 qof ayaa ku geeriyootay dhul-gariir ka dhacay Degmooyin ka tirsan dalkaasi.

Khubarada Cilmiga Jiyoolajiyadda ataa rumeysan inuu dalka Mexico ka mid yahay dalalka u nugul dhul-gariirka, maadaama uu qaab-dhismeedka dhulkaasi yahay mid aan iska caabin Karin ruxunka dhulka.

Haddaba, waxaan qormadeenna ku eegaynaa Taxanaha Dhul-gariiryadii ugu dhimashadda badnaa ee dalkaasi ka dhacay tan iyo sannadkii 1985-kii.

.Dhul-gariir Bartamaha iyo Galbeedka Mexico ka dhacay bishii January 21-dii ee sannadkii 2003-dii waxaa ku geeriyootay ugu yaraan 28-qof, halka 300 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo badankooda ku noolaa Gobalka Colima.

·Bishii September 30-dii ee sannadkii 1999-kii, ugu yaraan 20-qof ayaa ku geeriyootay dhul-gariir ka dhacay Gobalka Oaxaca oo ku yaalla Koonfurta dalkaasi.

·Bishii October 9-dii ee sannadkii 1995-kii, ugu yaraan 51-qof ayaa ku geeriyootay dhul-gariir ka dhacay meel ku dhow Degmadda Manzanillo oo ku taalla xeebta Bartamaha ee Badweynta Passific Ocean.

 

·19-kii ilaa 20-kii bishii September ee sannadkii 1985-kii waxay 2 dhul-gariir ka dhaceen Galbeedka dalka Mexico. Ugu yaraan 9,500 oo qof ayaa ku geeriyootay Caasimadda dalkaasi ee Mexico iyo qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Galbeedka dalkaasi, wuxuuna burbur xooggan u geystay qeybo ka mid ah caasimadda dalkaasi

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media