Shiinaha oo taageeray Heshiiskii Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya.

Madaxweynaha dalka Shiinaha. Xi Jinpingayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Heshiiskaasi, wuxuuna ballan qaaday inay taageeri doonaan Natiijadi ka soo baxday Kulankii ka dhacay dalka Singapore.

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu la kulmay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un oo booqashoadiisa 3-aad ee sannadkan ku jooga caasimadda dalkaasi ee Pejing.

Madaxweynaha Shiinaha waxa kale oo uu tilmaamay inay doonayaan inay door wanaagsan ka qaataan dadaalka Nabadda ee Gacanka Kuurya.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya waxa uu tilmaamay inuu rajeynayo inay Shiinaha iyo dalalka kale taageeri doonaan Heshiiskii Nabadda.

Dowladaha Maraykanka iyo Koonfurta Kuurya waxay sheegeen inay indhhaa ku hayaan Kulanka uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media