(SAWIRO): Shaqaale dibadbax ka hor dhigay Safaaradda Maraykanka ee dalka Kamboodiya.

32 Ilaalo ka ahaa Safaaraddaasi waxay maanta dhigeen Dibadbax ay kaga soo horjeedaan in shaqada laga ruqseeyey.

Shaqaalahaasi waxay codsadeen in caddaymo muuqda laga siiyo sababaha looga eryey shaqada.

Warar ayaa sheegaya in Shaqaalahaasi lagu helay inay Filimadda Anshax-xumidda ah ku wadaageen Tleefoonaooda Gacanta ee Mobayladda.

Qaar ka mid ah Shaqaalahaasi ayaa ku dooday inay arrintaasi tahay mid Shaqsiyadeed oo ay iyagu dhexdooda isku weydaarsadeen Muuqaaladaasi.

Shaqaalahaasi oo Baraha Bulshadda, sida Facebook Messenger Koox-koox ugu mideysan ayaa la sheegay inay ku mashquuli jireen xilliyadda shaqada ee ay ku sugan yihiin Dhismaha Safaaradda.

Warbaahinta dalka Kambodiya waxay sheegeen inay shaqaalahaasi daawan jireen Filimadda Anshax xmidda ee haweenka da’dooa ka yartahay 18-jir, inkastoo ay Shaqaalaha beeniyeen arrintaasi.

Dhinaca kale, Afhayeenka Safaaradda Maraykanak ee caasimadda dalka Kambodiya ee Fenom Been (Phnom Penh), David Josar waxa uu sheegay in Ilaaladda shaqada xaq u leeyihiin inay dhigaan Dibadbax Nabad ah, wuxuuna xusay in dhibaataddu tahay Filimadda  anshax-xumida ee cartruurta yaryar laga duubay.

Si kastaba ha ahaatee, shaqaalahaasi oo shaqada laga eryey bishii Maarso ee sannadkan, waxayna shaqaalahaasi tilmaameen inay u baahan yihiin Caddaalad, kuna rajo weyn yihiin inay Safaaradda xalin doonto dhibaatadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media