(SAWIRO): Mid ka mid ah Dibad-baxayaal Reer Kashmiir oo la jiirsiiyey Gaari ay leeyihiin Ciiddanka Hindya

Dibadbaxaal badan ayaa shalay isugu soo baxay Caasimadda Gobalkaasi ee Sringar, waxayna codsanayeen in la soo dhamaystiro Xukunka Dowladda Hindiya ku haysato Gobalkaasi.

Boliska Hindiya iyo Dibadbaxayaasha ayaana isku dhacay, kadib, markii ay Dibadbaxayaasha si toos ah uga hor tageen Askartaasi, iyagoo dhagxaan adeegsanayey.

In ka badan 50 qof oo Reer Kashmiir ah ayaa lagu dhaawacay Dibadbaxaasi, waxaana ugu darnaaa mid ka mid ah Dibadbaxayaasha oo uu jiiray Garai ay leeyihiin Ciiddanka Hindida.

Dhibanahaasi ayaa  si xun ugu dhaawacmay shilkaasi, sida ka muuqato Sawiradda ay Wakaalladda Wararka AP soo bandhigtay.

Saraakiisha Ammanaka Hindiya waxay ku doodeen inay Askarta la socotay Gaari ay khatar gashay noloshooda, kadib, markii ay ku soo xoomeen dhallinyaro caraysan oo Reer Kashmiir ah.

Afhayeenka Ciiddanka u tababaran sida Milliteriga ee Hindiya, Sanjay Sharma ayaa sheegay inay ahayd xaallad ay Dibadbaxayaasha abuureen, isla markaana ay Ciiddanka muujiyeen is-xakamayn weyn, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, inta badan Reer Kashmiir waxay taageeraan Dagaalamayaasha doonayan inay ka xoroobaan dalka Hindiya oo xoog ku haysta qeybo ka mid ah Gobalka Jamu-Kashmiir.

Ku-dhawaad 70,000 oo Reer Kashmiir ayaa lagu dilay Kacdoonka Gobanima-doonka ee ay Dadkaasi kaga so ohor jeedaan Xukunka Hindiya.

Xuquuqda Sawiradan waxaa iska leh Wakaalladda Wararka ee AP

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media