(SAWIRO): Madaxweyne Trump oo Saxiixay amar lagu joojinayo Kala-qeybinta Carruurta iyo Qoysaska Muhaajiriinta

Kadib, xiisad iyo mucaaradnimo ka dahalatay Qorshe uu Madaxweynaha ku doonayey in Carruurta iyo Waalidiinta sharci-darradda ku soo gala Maraykanka lagu kala hayo goobo kala duwan ayaa waxa uu Madaxweyne Trump garwaaqsaday inuu saxiixo Amar Fulineed ku baaqayo inay Carruurta iyo Waalidkooda lagu qabto iyagoo si sharci-darro ah uga soo gudbaya Xuduudka inay si wadajir ah uada joogaan.

Amarkaasi oo ay Xoghayaha Ammaanka Gudaha Marauykanka, Kirstjen Nielsen u soo diyaarisay Qoraal qabyo ahaa waxa uu qeyb ka ahaa dadaal lagu doonayo in lagu dhameeyo  arrintaasi oo noqotay Xiisad weyn oo soo food saartay Maamulka Trump.

“Waxaan u soconaa si aan u yeelaano Xuduud aad u xooggan. Laakiin, waxaan u soconaa sidii ay Qoysaska u noqon lahaayeen kuwo wadajira” ayuu yiri Donald Trump, kadib, markii uu saxiixay Qoraalkaas.

Waxa uu intaasi ku day inuusan jeclayn inuu arko carruur iyo Qoysaskooda oo la kala qeybiyey.

Dhinaca kale, Xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee dalka Mraaykanka ayaa ku kala qeybsamay Go’aankii Mamaulka Trump ee lagu kala qoqobayey Carruurta iyo Waalidkooda.

Madaxweyne Trump waxa uu shalay ku eedeeyey Mudanayaasha Xisbiga Dimuqradaiga inay caqabad ku yihiin horumarka Aqalka Kongareeska, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanadda Xisbiga Dimuqraadiga waxay ka soo hor jeesteen Siyaasadda Madaxweyne Trump ee Muhaajiriinta, gaar ahaan qorshaha lagu kala qeybinayo Qoyska iyo Carruurtooda sharci-darradda ku soo galay dalkaasi.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Warbaahinta Caalamka waxay hadal hayeen kala-eybinta Carruurta iyo Qoysaska Muhaajiriinta, waxaana la arkayey carruur badan oo ka dhex oynaysay meelo Shabaq ah oo ku yaalla  Xuduudka Maraykanka la wadaago Mexico.

Carruurtaasi oo Codad laga soo duubay waxay u oynayeen Waalidkooda oo meelo kale lagu xiray.

Si kastaba ha ahaatee, Aragtida Maamulka Maraykanka waxaa kaloo ka biyo diiday Marwada  Donald Trump, oo sheegtay inay dhibsanayso inay aragto carruur iyo waalidkooda oo la kala qoqobayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media