Sacuudiga oo lagu xiray Hoggaamiye Diimeed Caan ah

Qoraalo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa lagu sheegay in la xiray Shiikh Salmaan Al-cawdah, kaasi oo Bartiisa Twitter-ka ku qoray in la xalin karo Xayiraadda dalka Qatar lagu soo rogay 3-bilood ka hor.

Shiikh Salmaan Al-cawdah oo 14 million oo Taageerayaal ku leh Bartisia Twitterka waa Sheekh awood weyn leh, wuxuuna inta badan si kulul u naqdiyey Madaxda Boqortooyadda Sacuudiga, waxaana xabsiga la dhigay sannadihii 1994-kii ilaa 1999-kii, kadib, markii uu ku baaqay in Isbedel Siyaasadeed uu ka dhaco Sacuudiga.

Shiikh Salmaan Al-cawdah waa Shiikhii labaad ee ay Madaxda Sacuudiga xiraan isbuucan, waxayna wararku sheegayaan in la xiray Shiikh kale oo caan ah oo  lagu magacaabo Cawad Al-qarni, kaasi oo taageeray Dib-u-heshiisiin lala galo Dowladda Qatar