Sacduudiga oo sheegay in Kooxda Daacish uu ka fashiliyay qaraxyo ay fulin lahaayeen

Wakaalladda Wararka u faafisa Sacuudiga ee SPA ayaa saakayto baahisay inay Ciiddanka Ammaanka fashiliyeen qaraxyadaasi oo lala maaganaa Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Riyadh..

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la xiray 2 nin oo u dhashay dalka Yemen oo fulin lahaa Qaraxyadaasi iyo 2 kale oo Sacuudiyaan ah.

Dhinaca kale, Ilo dhinaca Ammaanka ayaa u sheegay Wakaalladda REUTERS  in Eedeysanayaasha xiriir la lahaayeen dalal kale oo aan la magacaabin iyo Kooxda Akhwaanul-muslimiinka Masar,isla markaana doonayeen inay wax u dhimanaa Deganaanshaha Sacuudiga.