Ra’iisul-wasaarihii Lubnaan oo is-casilay, sheegayna inay Noloshiisa khatar ku jirto

Ra’isul-wasaare Sacad Xariiri oo ka hadlay Telefishinak Qaranka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkaasi, kadib, markii uu sheegay inuu ka baqanayo qorshe isaga lagu khaarijinayo.

Waxa uu sheegay inay haatan ku nool yihiinjawi la mid ah ka hor inta aan la khaarajinin Aabihiisa, Rafiiq Xariiri oo ahaa Ra’isul-wasaarihii hore ee Lubnaan.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Sacad Al-xariiri waxa uu Dowadda Iiraan ku eedeeyey inay faragelin ku hayso Dalalka Carabta.