Eriteriyaan laga soo tarxiilay Maraykanka oo isku daldalay Garoonka Qaahira.

Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay in Ninkaasi oo lagu magacaabi jirey Zeresenay Ermias Testfatsion uu isku daldalay Garoonka, isagoo la doonayey in dib loogu celiyo caasimadad Eritrea ee Asmara.

Hay’adda Socdaalka ee Maraykanka ayaa sheegtay inay Ninkaasi doonayeen inay ku celiyaan dalkiisa hooyo, kadib, markii loo diday in magangelyo laga siiyo Maraykanka, isagoo xirnaa tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkii hore.

Marxuumka oo 34 jir ah ayaa la sheegay in maydkiisa laga helay Shaawar hoostiisa, inkastoo Sarkaal u hadlay Garoonka Diyaaradaha ee Qaahira sheegay in Marxumka laga helay isagoo isku daldalay qolkii lagu hayey.

Safaaradaha ay Eritrea ku leedahay dalalka Maraykanka iyo Masar weli kama aysan hadlin dhacdadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media