Nabadsugidda Suudaan oo is-hortaagtay Suxufiyiin, Siyaasi iyo Haweeney ka dhoofi lahaa Khartoum.

Qoraal kooban oo ay shalay soo saartay Intisaar Agaly oo u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay inay Nabad-sugidda Suudaan ee NISS  ka hor joogsadeen inay Diyaarad ka raacdo Garoonka magaalladda Khartoum.

Waxay kaloo sheegtay inay u dhoofi lahayd dalka Kenya, balse uu Sarkaal ka tirsan NISS ayaa u sheegay in  laga mamnuucay inay u dhoofto Dibedda.

Haweeney u ololeysa Xuquuqda Aadanaha waxay sheegtay inay Hay’adad NISS ka qaadeen Baasaboorkeeda, kana kansal gareeyeen Tikidhkii Diyaaradda ee ay ku dhoofi lahayd.

Intisaar Agaly waxay tilmaamtay inay qaadi doonto Tallaabo kasta oo Sharrci ah oo ka dhan ah Hay’adda NISS, iyadoo sheegtay inay mamnuucista laga hor joogsaday inay dhoofto wax u dhimay Niyadeeda, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Hay’adada Sirdoonka Suudaan waxay ka joojiyeen Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ee National Umma Party, Sara Nuqdallah inay u dhoofto dalka Masar, oo ay doonaysay inay Dhakhtarkeeda soo aragto.

Sidoo kale, NISS waxay Talaadadii hore is-hortaagtay 4 Suxufi oo doonaysay inay u dhoofaan dalka Sacuudiga.

Wax faahfaahin ah lagama bixninin sababaha looga mamnuucay inay u dhoofaan dalkaasi.

Xigasho: (ST)

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media