Maydadka Tahriibayaal Afrikaan ah oo laga helay dhulka Saxaraha ee dalka Libya

Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in maydadka 16 Tahriibayaal laga helay Dhulka Lama-degaanka ee Bariga Libya, kuna dhow xadka Masar.

Afhayeenka Ciiddanka Libya ee ku sugan Deegaankaasi, Axmed Al-mismiri ayaa sheegay inay maydadkaasi ka heleen meel 110-KM dhanka K/galbeed kaga toosan Degmadda TOBRUUK ee Xeebta leh.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay inaysan haynin faahfaahino ku aadan dalalka ay ka soo kala jeedaan maydadkaasi