(SAWIRO):Maxaabiistii Maraykanka ee laga soo daayey Waqooyiga Kuurya oo ka degay Washington.

Diyaarad ay la socdeen saddexda Maxbuus ayaa soo caga-dhigatay  Saldhigga Diyaraadaha ee Joint Base Andrews ee ku yaalla duleedka magaalladda Washington DC.

Diyaaradda ayaa soo caga-dhigatay Abaarihii 02-dii iyo 45 daqiiqo ee Xilliga Maraykanka oo u dhiganta 06:42 ee Xilliga GMT.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si diiran u soo dhaweeyey Maxaabistaas, isagoo kaga hor tegay Jaranjarada laga raaco Diyaaradda.

Sidoo kale, Madaxweyne-xigeenka Maraykanka, Mike Pence, La-taliyaha Ammaanka Qaranka Aqalka Cad, John Bolton iyo Xaaska Donald Trump ee Melania ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Maxaabiistaasi.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inu uHoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya doonayo inuu dalkiisa u soo jiido inay soo galaan Dunida Dhabta ah, waa sida uu hadalka u yiri.

Tallaabadda lagu sii daayey Maxaabiista waxay gogol-xaar fiican u noqonaysaa Kulanka la qorsheynayo inuu Madaxweyne Trump la yeesho Hoggamaiyaha da’da yar ee dalka Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka, Mike Pompeo ayaa kaalin ka qaatay sii=daynta Maxaabiistaasi, wuxuuna socdaal ku tegay dalka Waqooyiga Kuurya, si uu Hoggaamiyaha dalkaasi ugu qanciyo in la sii daayo Maxaabiistaasi.

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa soo saartay Hadal qoraal oo ay si wadajir u soo qoreen saddexda maxbuus, kuwaasi oo uga mahad celiyeen Madaxweyne Trump, Xoghaye Mike Pompeo iyo dhamaan dadka Maraykanka  dadaalkoodii ku aadan sidii iyaga dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo ee Maraykanka.

Maxaabiista la sii daayey oo ah Baadariyaal asal ahaan ka soo jeeda Kuurya waxaa lagu kala magacaabaa:-

  • Kim Dong-chul oo dalka Waqooyiga Kuurya lagu xiray sammadkii 2015-kii.
  • Kim Sang-duk, oo lagu naanayso Tony Kim, kaasi oo dalka Waqooyiga Kuurya la xiray sannadkii 2017-kii,
  • Kim Hak-song, oo isagana dalka Waqooyiga Kuurya lagu xiray sannadkii hore.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka, ayaa sheegtay in saddexda Maxbuus loo gudbin doono Xarunta Caafimaadka ee Milliteriga ee Walter Reed National Military Medical Center oo ku dhow Maryland, si loogu sameeyo Baaritaano Caafimaad oo dheeraad ah.

Dhinaca kale, Maxbuuskii ugu horeeyey ee ay Waqooyiga Kuurya si idaysay tan iyo markii uu Trump xilka qabtay ayaa ahaa Otto Warmbier, oo 22- jir ahaa, kaasi oo ahaa Arday Jaamacadeed.

Waxaana Maraykanka lagu soo celiyey isagoo miyir beel ku jira, kadib, markii uu muddo 17 bilood ku xirnaa dalkaasi.

Otto Warmbier waxa uu geeriyooday maalmo kadib, markii lagu soo celiyey Maraykanka, waxayna dhimashadiisa xiisad ka dhex abuurtay Maraykanka iyo Waqooyiga Kuurya.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya ku sii daayey 3-da maxbuus ee dib ugu laabtay Maraykanka waxay muujinaysaa calaamad ah dadaalka uu Kim Jong Un ugu jiro Shirka uu Madaxweyne Trump la yeelan doono.

Shirkaasi ayaa la hadal hayaa inuu ka dhici doono dalak Singapore dabayaqadda bishan May ama horraanta bisha soo socota ee June.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media