Maraykanka oo QM ka codsaday in la xayiro Hantida Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya

Qoraal qabyo ah oo ay Dowladda Maraykanka u dirtay Golaha Ammaanka ee QM ayey ku sheegtay in la xayiro Hantida Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un iyo in cunaqabatayn lagu soo rogo Shidaalka iyo Dharka laga soo dhoofiyo dalkaasi.

Qoraalkan Qabyada ayaa soo baxay 2-maalin kadib, markii ay Danjiraha Maraykanka u jooga QM, Niki Haaley ku baaqday in Tallaabadda ugu xiooggan laga qaado Dowladda Waqooyiga Kuurya oo dhawaan tijaabisay Haydarojiin Bam.

15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa la filayaa inay bishan September 11-da u codeyn doonaan Cunaqabatayn cusub ee ka dhanka ah  Waqooyiga Kuurya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media