Maraykanka oo lagu eedeeyey duqeyn Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla dalka Syria

Telefishinka iyo Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegay inay Ciiddanka Difaaca Cirka hawada ku burburiyeen 8 Gantaal oo Waaberigii hore ee saakayto lala maaganaa Saldhig Ciiddanka Cirka ee T 4 oo u dhow magaalladda XOMOS ee  Galbeedka dalkaasi.

Dhowr qof ayaa lagu soo waramay inay ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmneen Duqeyntaasi

Warbaahinta Dowladda Syria waxay sheegeen inay Maraykanka ka dambeeyeen Duqeyntaasi, inkastoo Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka beeniyeen Eedahaas.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa la filayaa inay maanta Kulan ka yeeshaan Arrimaha dalka Syria, gaar ahaan Weerarkii  loo adeegsaday Kiimikadda ee ka dhacay magaalladda Duuma ee dalka Syria.

Duqeyntaasi oo lagu eedeeyey Ciiddanka Dowladda Syria ayaa la sheegay in lagu dilay 70 qof oo u badnaa carruur iyo haween.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media