Madaxweyne Xasan Ruuxaani oo si kulul ugu jawaabay Cunaqabataynta Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Madaxweynaha Iiraan waxa uu ku sheegay inaysan wax cabsi ah u arkin hadalkii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mraaykanka, Mike Pompeo ku sheegay inay Cunaqabatayn aad u adag ku soo rogi doonaan Iiraan, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inaysan oggolaan doonin waxa uu Madaxii Sirdoonka Maraykanka u go’aaminayo dalalka kale.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan dalalka kale ee Caalamka oggolaan doonin waxa ay Maraykanka u soo go’aamiyaan.

Hadalka Madaxweynaha Iiraan ayaa soo baxay wax yar kadib, markii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mraaykanka, Mike Pompeo shalay ku hanjabay inay Iiraan ku soo rogi doonaan Cunaqabatayntii ugu xoogga badnayd Taariikhda, haddii aysan fulinin 12 Codsi iyo inay joojiyaan Horumarinta Sawaariikhda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media