Madaxweynaha Uganda oo ku taliyey in Macaamiisha WhatsApp laga qaado Canshuur

Qoraal uu Madaxweyne Yoweeri Museveni u diray Wasiirkiisa Maaliyadda, Matia Kasaija, ayuu kaga codsaday in CANSHUUR LAGA QAADO Macaamiisha Shabakadda Bulshadda ee WhatsApp

Madaxwynaha waxa uu yiri: “Macaamil kasta waa inuu maalin kasta bixiyaa canshuur dhan 100-Shillinka Uganda”.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Uganda, Frank Tumwebaze, waxa uu sheegay inuu Hadafku yahay in la xadido adeegsiga Codsiyadda Mobaylada shisheeyaha.

Dhinaca kale, dadka Reer Uganda ayaa la yaabay amarkaasi, inkastoo ay horey u soo dhaweeyeen Amarkii Madaxweynuhu ku joojiyey canshuurta laga qaado dadka rakaabka ee raaca Mootooyinka Boda-boda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media