Madaxweynaha dalka Yemen oo Xabsi Guri ugu jira Riyadh

Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegay inay muddo dhowr bilood ah  ka hor-joogsatay Madaxweynaha Yemen oo ay la jiraan Wiilashiisa, Wasiiro iyo Saraakiil Milliteri inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo

Saraakiil Yemeni ah ayaa hadalkaasi u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP, sida uu baahiyey Tleefishinka Aljazeera.

Saraakiishaasi oo aan magacyadooda la shaacinin ayaa sheegay in Xayiraaddaasi ka dhalatay Khilaaf u dhexeeya Madaxweyne C/rabbu Mansuur Haadi iyo Dowladda Imaaraadka Carabta oo qeyb ka ah Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga ee dagaalak kula jira Kooxda Daacish.

Madaxweynaha Yemen iyo inta badan Dowladiisa waxay joogeen Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh intii uu socday Dagaalka Yemen.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Hadi ka soo tegay Yemen bishii February waxaa laga soo weriyry inuu  Codsiyo u qoray Boqorka Salmaan oo uu kaga codsaday inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo, balse wax jawaab celin ah ma helin, sida laga soo xigtay Tiye ka tirsan Ammaanka Yemen.

Bishii Augsut, Madaxweynaha waxaa uu tegay Garoonka Riyadh,isagoo qorsheynayey inuu u dhoofo magaalladda Cadan, balse, waxa uu dib ugu soo laabtay Garoonka, sidaas uu sheegay Taliyahaasi dhinaca Ammaanka.

Sidoo kale, 2 Sarkaal oo Yemeniyiin ah ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Hadi, Wiilashiisa iyo dhowr Wasiir oo la joogta magaalladda Riyadh laga hor-joogsdaday inay u dhoofaan Yemen.

“Sacuudiyiinta waxay iyaga ku soo rogeen Nidaam Xabsi Guri (House arrest)” ayuu yiri Taliyahaasi pp intaasi ku daray marka uu Madaxweyne Hadi codsado inuu baxo loogu jawaabo inaysan isaga ammaan u ahayn inuu ku laabto Yemen.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Sacuudiga horey Baasabooradda dhowr ka tirsan Saraakiisha Madaxweyne Hadi, balse ay markii dambe u wada celisay Baasabooradodoa.

Balse, aysan awoodi Karin inay ka dhoofaan Sacuudiga, waa sida uu hadalka u dhigay..

Taliyahaasi waxa kale oo uu tilmaamay inay Sacuudiga sheegeen inay jiraan dad doonaya inay Madaxweyne Hadi dilaan haddii uu ku laabto Yemen, isla markaana Sacuudiga u baqayaan Noloshiisa.

Afhayeenka Isbahaysiga Sacuudiga, Kolonel Turki Al-malaki waxa uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo wax ku saabsan Madaxweynaha Yemen.

Isku-day kale oo lagula xiriir lahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Yemen iyo Afhayeenka Dowladda Yemen ayaan lagu guuleysanin.

.Xigasho: AP and  Aljazeera Tv

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media