Madaxweynaha Afganistan oo ku dhawaaqay Xabbad-joojin KMG ah.

Madaxweyne Ashraf Qaani ayaa hadalkaasi ku sheegay qoraal uu maanta soo dhigay Bratiisa Twitter-ka,  wuxuuna sheegay inay xabbad-joojintaasi socon doonta ilaa bishan June 20-da.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Xabbad-joojinta socon doonto, laga bilaabo bilaabo bishan Ramadaan 27-da ilaa maalinta 5-aad ee Ciiddul-Fidriga .

Madaxweynaha Afganistan waxa uu tilmaamay inay Xabbad-joojinta ugu dhawaaqeen si loo xoojiyo Dowladda iyo Rabitaanka Ummadda Afganistan in Nabad lagu xaliyo Colaadda ka socota dalkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Afganistan waxa uu tilmaamay inay sii socon doonaan Dagaalka ay kula jiraan Kooxaha kale sida Maleeshiyadda Daacish.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media