(SAWIRO): Maalqabeen Muslim oo hantidiisa u hibeeyey Samafalka Islaamka oo geeriyooday.

Allaha U Naxariisto Marxuum Cali Banat oo ah Milyooneer u dhashay dalka Australia ayaa u geeriyooday Cuddurka Kansarka oo ku dhacay 3 sanno ka hor.

Marxuumka oo 32-jir ah ayaa go’aansaday inuu Hantidiisa  u isticmaalo waxyaabaha wanaagsan.

Cali Banat oo ah nin dhallinyaro ah waxa uu ka soo jeedaa  Greenacre OO 170 KM oo K/galbeed kaga toosan Degmadda Ganacsiga ee magaalladda Sydney ee dalka Australia.

Sannadkii 2015-kii ayey Dhakhaatiirtu u sheegeen inuu yahay Bukaan qaba Kansar, isla markaana uu 7 bilood sii noolaan karo, balse Qadarka Rabbi waxa uu sii noolaa muddo 3 sanno kadib, markii laga helay Kansarka.

waxa uu iska iibiyey Hantida Shirkadiisa, ka hor inta uusan u soo dhoofin dalka Toogo, halkaasi oo uu ka dhisay Masjid lagu cibaadaysto iyo Dugsi ay wax ku bartaan Carruurta dalkaasi.

Kadib, booqashadiisa dalka Togo waxa uu sameeyey Hay’ad Samafal oo uu ugu magac daray Muslimiinta Caalamka oo dhan (Muslims Around The World (MATW) , oo kaalmo taageero siinaya dadka Muslimiinta ee u baahan in la caawiyo.

Marxuum Cali Banat waxa uu doonayey inuu 100% kordhiyo  Lacagta lagu dhisayo Tuullo hoy u noqon karta in ka badan 200 oo Haween Carmal ah (widows) oo ay raggooda geeriyoodeen iyo Dugsi hoy u ah 600 carruur agoon iyo Isbitaal Yar ama Xarun Cafaimaad oo taageera Bulshadda Deegaanka.

Taageerayaashiisa waxay LACAG ugu deeqeen Hay’adiisa Samafalka ee MATW, iyagoo hataan haysta lacag dhan 1.3 million oo Dollarka Australia  ($1.3million AUD), iyado oay weli Kaalmooyinka sii socdaan.

Marxum Cali Banat waxa uu duubay Muuqaalo Video, ka hor inta uusan geeriyoonin, wuxuuna dadka ka codsaday inay sii wadaan Hawshiisa Samafalka.

“Sida aad ka arki kartaan Noloshan, waxaan haysanay Gaadiid, waxaan haysanay Lacag, waxaan haysanay wax kasta. Walaalahayga inta ay socoto Noloshaada, isku-daya inaad leedihiin Hadaf, isku-daya inaad yeelataan Qorshe aad horey ugu shaqynaysaan” ayuu yiri Milyooneerka Muslimka ee xijaabtay.

Waxa uu kula dardaarmay dadka Sadaqa ku bixiya Hay’adda Samafalka ee uu abuuray inay ogaadaan inay Ajirkeeda heli doonaan Maalinta Aakhiro..

“Wallaahi waxaad Samafalkaasi u baahan tahay Maalinta Qiyaamaha “The Day of Judgement”.

Hadalladda dardaaranka ee Marxuumka lagu xusuusan doono waxaa ka mid ah isagoo yiri: “Marka ada xanuunsan tahay ama adaan haysanin waqti badan oo aad sii noolaato, tani waa waxa ugu dambeeya ee aad doonayso inaad baacsato ama ugaarsato. Taasina waa sida aynu u noolaanayno maalin kasta.

Allaha U Naxariisto Marxuum Cali Bnaat waxa uu Hantidiisa ka tacbaday Shirkadiisa Ammaanka iyo Korantada (A security and electrical company), wuxuuna shacaiyey inuu Hantidiisa ugu yaboohay dhamaan Muuslimiinta ku nool Caalamka

Hantida uu ka tegay Marxuumka ee uu ku abuuray Hay’adda Samafalka, waxaa ka mid ah Gaari nooca Sport-ga ee (a Ferrari Spider) oo qiimaheedu ku fadhiyo lacag dhan £339,000 ee Giniga Istarliinka oo u dhiganta  ($600,00AUD), Jijin dheeman ah (diamond bracelet) iyo Tobaneeyo kabo iyo Ookiyaalaha qorraxda.

Marxuumku waxa uu sheegay inuu doomayo inuu Duinida ka tego, isagoo aan waxba haysanin.

“Waxaan doonayaa inaaan isku dayo inaad Dunidan ka tago, anigoo aan waxba haysanin” ayuu yiri Marxuum Cali Banat.

Waxa kale oo uu yiri:-“ Dhoola-caddaynta ilmo yar oo aan ku caawiyey dhar waxay Aniga iiga qiimo badan tahay Gaarigeyga Ferrari”..

Marxuumka AUN waxa uu  xijaabtay Talaadadii la soo dhaafay oo ay taariikhdu ahayd (Ramadaan 13-da ee sannadka 1439-Hijriyah)  ama bisha May 29-dii ee sannadka Miilaadiyadda ee 2018)

WQ. Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media