La-haystayaal u dhashay Indonesia oo ka baxsatay Kooxda Abu Sayaaf ee dalka Filibiin

2 La-hayste  ayaa la sheegay inay ka soo baxsadeen Kooxdaasi oo muddo 10-bilood u afduubnaa Jabhadda Abu Sayaaf ee ka dagaalanta Koonfurta Filibiin.

Hadal ka soo baxay Milliteriga dalka Filibiin ayaa lagu sheegay inay Labadaasi nin gaari ku yimaadeen magaalladda INDANAN ee Gobalka Sulu ee Koonfurta dalkaasi.

Labada La-hayste oo lagu kala magacaabo Sarabudiin Kooni iyo Sawaal Mariim waxaa bishii November 10-dii ee sannadkii hore laga soo qafaashay Dooni ay wateen oo maraysay Badda ka baxsan magaalladda Sabaax ee dalka Malaysia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media