Jilaaga Salmaan Khaan oo damiin lagu sii daayey

Jilaaga vaanka ee Shirkadda Filimadda samaysa ee Bollywood ee dalka Hindiya ayaa maanta laga si idaayey Xabsiga Dhexe ee Jodhpur Central Jail oo ku yaalla magaalladda Jodhpur ee Gobalka Rajasthan ee Galbeedka dalka Hindiya.

Jilaaga waxa uu 2 habeen ku soo qaatay Xabsiga, kadib, markii Khamistii la soo dhaafay lagu xukumay xabsi 5 sanno.

Waxa lagu soo oogay inuu sannadkii 1998-dii toogasho ku dilay Deero nooceedu naadir ku ah Caalamka.

Salmaan Khaan oo 52-jir ah waxa uu ka mid yahay Jilaayaasha ugu mushaarka sarreeya Caalamka  waxaa maantaXabsiga looga sii daayey damiin lacageed oo dhan 50,000 rupees oo u dhiganta 770 Dollarka Maraykanka.

Qareenadiisa ayaa sheegay inuusan Salmaan Khaan ka bixi  karim dalka Hindiya, ilaa uu ka helayo fasax Maxkamadeed,

Dhinaca kale, Qareen Dacwad-ooge ah oo lagu magacaabo Mahipal Bishnoi ayaa u sheegay Suxufiyiinta inuu Salmaan Khaan mar kale ka soo hor muuqan doono Maxkamadda bisha soo socota ee May 7-da.

Salmaan Khaan markii maanta laga sii daayey Xabsiga waxaa bannaanka Xabsiga ku sugayey boqolaal ka mid ah Taageerayaashiisa, kuwaasi oo garaacayey Durrbaan, kuna luqeynayey magaca Jilaaga.

Telefishinada ayaa baahinayey Muuqaalladda dad badan oo ku xoonsan afaafka hore Dhismaha Qaaliga ee Salmaan Khaan uu ku leeyahay magaalladda Mumbai,

Dadkaasi waxay ku luqeynayeen, kuna ciyaarayeen (dancing) Heesihii Salmaan Khaan ee ku jiray Filimada uu horey u soo jilay.

 

Salmaan Khaan waxa uu Khamiistii hore ku eedeeyey Waaxda Duur-joogta ee Gobalka Rajasthan inay doonayaan inay sumcadiisa xumeeyaan.

Qareenadiisa waxay sheegeen inaysan wax rasaas ah kama muuqanin Deerada la sheegay inu uSalmaan Khaan dilay, waxayna xuseen inay xanuun u geeriyootay.

oo la eedeysnaa Salmaan Khaan ayaa lagu waayey Dembiga, kuwaasi oo la sii daayey.

Jilayaashaasi oo lagu kala magacaabo Saif Ali Khan, Sonali Bendre, Tabu iyo Neelam Kothari ayaa ka tirsan Shirkadda Filimadda ee Bollywood, waxaana lagu waayey caddaymo muujinaya inay ku lug lahaayeen dilka Deerada,

Waxaa Qoray Ustaad Nuradin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media