Dowladda Iiraan ayaa lagu wadaa inay maanta ku wargeliso Hay’adda QM ugu qaabilsan Tamarta Atoomikadda ee (The United Nations Atomic Energy) inay kordhin doonaan Bacriminta Yuraaniyamka (UF6) ee laga farsameeyo Nukliyeerka.
Go’aankan ayaa la sheegay inay Iiraan kaga jawaabayso Go’aankii Madaxweynaha Maraykanka ku shaaciyey inay isaga baxeen Heshiiskii Caalamiga ee Nukliyeerka Iiraan ee la saxiixay sannadkii 2015-kii.
Afhayeenka Hay’adda Iiraan ugu qaabilsan Quwadda Atoomikadda Iiraan, Behrouz Kamalvandi ayaa ku dhawaaqay arrintaasi, balse ma shaacinin xilliga ay bilaabayaan ama Heerka Kordhinta Bacriminta Yuraaniyamka.
Hoggaamiyaha Iiraan, Aayatullaahi Khamani ayaa xalay sheegay inuu amar ku bixiyey inay Hay’adda Atoomikada Iiraan u diyaar garoobaan Kordhinta Bacrimintaas.
“Waxaan amray xoojinta lagu kordhinayo Yuraaniyamka” ayuu yiri Hoggaamiyaha Iiraan oo intaasi ku daray inay go’aankaasi u qaateen haddiiba uu fashilmay Heshiiskii Caalamiga oo ay Maraykanka sheegeen inay ka baxeen Heshiiskaasi.
Aayatullaahi Cali Khamanii waxa uu amray Hay’adda Quwadda Atoomikadda ee dalkiisa inay u diyaar garoobaan sidii ay Bacriminta Nukliyeerka u gaarsiin lahaayeen 190,000 oo SWU.
Waxa uu tilmamaay in qaar ka mid ah Dowladaha Europe doonayaan in Iiraan lagu sii hayo Cunaqabataynta, si ay Dowladda Iiraan u soo dhiibaan Hubkooda Nukliyerka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu bishi iMay 8-dii sheegay inay Maraykanak ka baxeen Heshiiskii Nuklyeerka Iiraan oo ay horey u kala saxiixdeen Dowladda Iiraan iyo 5 ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM iyo Waddabnka Jarmalka