Kim Jong Un ayaa saakayto booqasho 2 maalmood ku tegay caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing, sida uu baahiyey Telefishinka Dowladda Shiinaha ee CCTV.
Waa socdaalkii 2-aad ee uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya ku tago dalka Shiinaha sannadkan oo keliya.
Booqashadiisa ayaa timid, kadib, markii uu Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya isbuucii hore kulan la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo ay kala saaxiixdeen Heshiis Taariikhi ah.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay inuu mar kale booqan doono Caasimadda dalka Waqooyiga Kuurya ee Biyonyang, si uu Madaxda dalkaasi kala hadlo Taabagelinta Heshiiskii aty Madaxda labada waddan ku kala saxiixdeen dalka Singapore.